Waan la yaabay ee Adna ma la yaabtay.


Fulayaasha, Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta Somalida ee aan Xuriyadda u raadineyno ameey Sidaan yihiin?


Siyaabo kala duwan ayaa loo sheegaa Taariikha Che Guevara iyo Mohamed koram, si Dadka looga qariyo sida Dadkoodii ey  xoreeynayeen oo Dagaalka ey dartood u galeen ey ugala Safteen Isticmaarkii laga xureynayay. ogow wax badan ayaa taariikhda lagaa qariyaa oo isticmaarku si kale u sheegaa.


1.Che Guevara, waxa uu ku dhashay Magaalda Rosario ee Dalka Argentina1928 waxaana lagu dilay Dalka Bolivia 1967. Waxa uu ka dagaalamay Waddamo badan oo Dunidaa si uu uga xoreeyo isticmaarka, waxa qabtay Ciidamo Bolivia ah iyo kuwa Mareykan ah oo Garab siinayay, isaga oo dagaalayo, waxa soo basaasay Sarkaal hore uga tirsanaa Ciidamada Dalkiisa oo la dhihi jiray: Lieutenant Ciro Bustros.Markii la qabtay Maalin kadib ayaa la daldalay.


intii uu Baadiyaha ka dagaalamayay ee uu Buuraha ku dhuumaaleysanay ayaa waxaa hore u basaasay Nin Ari dhaqato ahaa. Isticmaarkii ayaa weeydiiyay Ari jirihii, Maxaad u soo basaastay Ninkaan u dagaalmayay in uu Adiga Isticmaarka kaa xureeyo?. Ari Jirihii ayaa yiri: Dagaalka ka dhexeeyo isaga iyo Isticmaarka ayaa Arigii iiga duday, sidaa ayaana ku nacay. 

Che Guevara,  waxaa loo dhisay dhowr taalo oo lagu xasuusto, laakin Ari jirihii iyo Lieutenant  Ciro waxa ey Taariikhad galeen iyaga oo duleeysan. Sawiradii iyo Taalooyinkii Che Guevara  waxaa ka mid ah ( F.S: 1 & 2aad)


2. Hogaamiyihii Kacdoonkii Shacabka ee Magaalada Alexanderia ee Dalka Masar,  ahaana  Madaxii Magaalda Alexanderia. Waxaa Magaalada soo weeraray Isticmaarkii Faransiiska oo markii Dambe Dalka oo dhan wada qabsaday. Waxa uu diiday in uu is dhiibo. Madaafiic ayaa lagu garaacay Magaalada, Dagaalkii ayuu sii waday waxa uuna ku fidiyay Deegaano miyiga ah. Dhowr jeer ayuu jabiyay faransiiskii, Asgar Badanna waa ka dilay Faransiiska. Hogaamiyaha, Waxaa lagu qabtay Goob dagaal, waxaan lagu xakumay in la daldalo.


Hogaamiyihii Faransiiska, Napoleon  Bonaparte ayaa yiri: Waxaan ka xumahay in aan daldalo Nin u dagaalamayay Xuriyadda Dadkiisa, mana rabo in ey Taariikhda ii gasho in aan Daldalay Geesiyaal u dagaalmayay in ey iga xureeystaan Dalkooda, Sidaa daraadeed waan ku cafinayaa, Laakin Hal shardi. waxaad Bixinee 24 Saac Gudahood  Dahab qiimihiisu u dhigmo 30.000 Riyaal oo ah Magtii Asgartii Faransiiska ee aad iga dishay. 


Hogaamiye Mohamed Koram ayaa yiri: Waxaa joogo Ganacsato iga qabto deyn dhan 300.000 Riyal( Toban laab Lacagta aad iga rabto).  Subaxii,  isaga oo Gacmaha iyo Lugaha Silsilo uga xiran tahay ayaa Magaada la soo marsiiyay, si uu Ganacsaradii uga soo urursado Deyntii ey ka qabeen, isaga oo Rajo ka qabay in Ganacsatada walaalihii ah ey Deyntii siiyaan ama Magta ey ka bixiyaan, Laakin, ma jirin hal Ganacsato oo wax ka bixiyay, Gancasatadii waxa ey bilaabeen in ey caayaan, oo Dhagxo ku tuuryeeyaan iyaga oo leh waa kii Magaalda iyo Ganacsigeena burburiyay oo diiday Isticmaarkii Faransiiska.


Napoleon ayaa yiri: waan ka xumahay iima harin fursad kale oo aan aheyn in aan ku daldalo. Sbabtuna ma ahan in aad Kacdoon Bulsho hor kacday oo aad Ciidankeeygii dishay, Laakin sababtu waa in aad Naftaada ku khasaarisay Dad Fulayaal iyo Doqomo ah kuwaa oo Ganacsigoodu kala weeynyahay  Xuriyadda Dalkooda.Waxaana Halgamaa Mohamed Koram la daldalay 1798dii. Sawiradii iyo Taalooyinkii Mohamed Koram waxaa ka mid ah ( F.S: 3& 4aad)


Mufakirkii Caanka ahaa, Mohamed Rashiid Rilaa oo arrintaan ka hadlayay ayaa yiri: in aad u istaagto in aad Xureeyso Mujtamac Jaahil ah waxa ey la mid tahay:  (( in aad Jirkaaga Dab Holcayo ku shido, si aad Waddada ugu iftiimiso Qof Indhool ah)).


( Somalia, Marka aan Xureyneeyno Mujtamac ey hor socdaan Ari jirayaal, Doqomo, Ganacsato iyo Siyaasiyiin Xuriyadda Dalkooda ka doorbidaayo Hanti yar oo ey heeystaan,  khayraadka Dalka oo ey  ku bedeshaan maslaxad Dhalanteed ah oo ey ka dhimanayaan berri, Aakhirana aan xisaabtaba ku dareeyn. 

Amaa  dhilinyarada Somaliyeed ee ka dhiidhisa isticmaarka, ey Juhaladaa Dadkoodu la mid noqdaan kuwii Che Guevara iyo Mohamed Korm ey Xuriyadda u raadinayeen?)


FG: weligaa Xuriyaddada wax kale ha ku badalan, hana ka quusan, Ogoow, mar kastana waa jirayaan Kuwo Fulayaal, Doqomo, daneystayaala ah oo laguu adeegsanayo, yeyna ku niyad jabin, Doqonta Damaca iyo Duli ku noolaashadu ey hilmaansiisay qiimaha Gobanimadu leedahay.


FG: wixii iga khaldan ka sax,wixii ka dhimanna ku dar.


Qore: Yahya Amir.Abdifitah Hassan Rooble

WhatsApp Google Map

Safety and Abuse Reporting

Thanks for being awesome!

We appreciate you contacting us. Our support will get back in touch with you soon!

Have a great day!

Are you sure you want to report abuse against this website?

Please note that your query will be processed only if we find it relevant. Rest all requests will be ignored. If you need help with the website, please login to your dashboard and connect to support