Qoraa: Abdifitah Hassan Roobleย 

๐— ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ถ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ.
---
Sheekadan oo uu qoray Herbert George Wells ah na sheeko faneed ayaa waxa uu ku soo gudbiyay wax-sheeg dulucdiisu ay fogtahay waxaa na ay sheekadu u dhignayd sidan.

ย Waxa uu qoraagu ka sheekaynayaa jirro indha-la'aan ah oo haleeshay dad degenaa tuulo ka goโ€™doonsan uunka kale oo ku taal buuraha Andes. Dadka tuuladan degan ayaa maalin waxa helay roob ka dib na roobkaasi waxa uu galaaftay oo uu kala tegay araggii dhaayaha waxaa na ay noqdeen kuwa aan waxba dib u arkin, illaa ay dhammaan'ba dadki wada noqdeen kuwa indha la oo dadka ay sii dhalaanna ay noqdeen kuwa indhoolayaal ah. Tuuladi muddo-dheer oo jiil ba jiil uu beddelay waxa ay noqotay mid la qabsatay indha-la'aanta isla markaa na u aragta indha-la'aanta wax togan oo caadi ah sidoo kale bulsha ahaanna ay yihiin kuwa aan ay wax ba ka maqnayn.

Haddaba magaaladi markii ay noqotay mid uunka kale ka goโ€™doonsan isla markaa na wada indhoole ah ayaa waxa dhacay maalin maalmaha ka mid ah nin la dhaho Nyon oo ku damaashaadaayay neecawda iyo hawada naxariista le ee ka dhacaysay buur ka sarreysa tuulada indhoolayaasha ayaa waxa la siibtay dhagax uu ku taagnaa waxaa na uu ku soo dhacay buurta hoosteeda isaga oo aan ay wax ba gaadhin. Balse, goobta uu ku soo dhacay waa magaaladii dadka indhoolayaasha ahi degenaayeen. Judhdhiiba waxa uu Nyon arkay dhismayaal isku dhex daadsan oo xittaa irridahoodu aan ay kala soocnayn sidoo kale aan lahayn wax daaqado ah. Waxaa na uu is wayddiinaayay tolow magaaladan qofka dhisay miyuu indha la'aa?!

Nyon ayaa tuulada badhtinka u galay waa na uu dhexqaaday balse, waxa uu arkay dadka oo iska hareera socda isla markaa na aan u jeedin isaga. Intaa ka dib Nyon waxa uu go'aansaday in uu dadka koox-koox u gu tago si uu u ga waraysto xaaladdooda iyo waxa ku keenay indha-la'aanta. Balse, dadkii tuuladu waa ay la yaabeen Nyon iyaga oo ku leh waa maxay araggu? Sidee wax loo arkaa? Ma dad wax arka ayaa jira?! Nyon oo isku deyaaya in uu ku qanciyo in ay jiraan dhaayo wax la gu arko oo iyaga ka maqan ayaa ay u gu dambayn dadkii tuuladu go'aansadeen in ay isaga laftiisa indhaha uu sheegaayo ka soo saaraan waayo waxa ay u arkayeen in uu waalan yahay weli ba waallida ay u gu wacanyihiin indhahan uu sheegaayo.

U gu dambayn Nyon waxa helay duul ku garaadsaday indha-la'aan isla markaa na u arka cudur in uu jiro qof wax arkayaa.ย 

FG:- haddaba magaalada indhoolayaashu waa bulsho kasta oo raacaysa dhaqan aan aqoon ku dhisnayn oo cid laga dhaxlay, magaalada indhoolayaashu waa bulsha kasta oo la col ah qofka raba in uu noloshooda wax cusub ku soo kordhiya, magaalada indhoolayaashu waa bulsho kasta oo door u arka wixii ay aabayaashood xilli la soo dhaafay ku dhaqmi jireen.

W/Q raacdo .

Imminka dib u eeg bulshadeenna soomaaliyeed wllhida haddaad qof baraarugsan tahay waxaad ogaanaysaa in dhammaan dadku waalanyihiinย ย 

WhatsApp Google Map

Safety and Abuse Reporting

Thanks for being awesome!

We appreciate you contacting us. Our support will get back in touch with you soon!

Have a great day!

Are you sure you want to report abuse against this website?

Please note that your query will be processed only if we find it relevant. Rest all requests will be ignored. If you need help with the website, please login to your dashboard and connect to support