Ogaal wadaag.


Wadamo aan leheyn Airport.

Dunida waxaa jiro wadamo aan leheyn Garoon Dayaaradeed iyo kuwa leh Garoomo Badan. Haddii aan Tusaale u soo qaadano Labadaba. kuwa leh Garoomo Badan. waxaa ka mid ah:

1) USA. 20,303. 2) Brazil. 3,898. 3) Mexico. 1,714. 4) Canada.1,620. 5) Russia 1,218. 6) Argentin. 1,138. 7) Colombia.992. 8) Bolivia. 952. 9) Paraguay. 799. 10) Indonesia. 683.

Wadamada aan leheyn Garoomada:

1. Dowladda Monaco: ma lahan Garoon Dayaaradeed, waxa ey leedahay Jid Train, Dekado, iyo wadooyin wanaagsan. Xuduudaha Dhulkeedu waa 6km, dherarka wadankuna waa 3km. waxaa ku nool Dad gaarayo 40.000. Tirada Dadka iyo yaraanta Dhulka ayaan saamaxeeyn in la helo dhul laga dhiso Garoon Dayaaradeed.(F.S:1aad)

2. Dowladda Vatican: waa Dowladda ugu dhulka yar Aduunka. Dhulkeedu waa 0.44km, Dadkeeduna waa 800 Qof. Bad male, wabi male, Jid train male.( F.S: 2aad)

3. Dowladda San Marino: waa Dowlad qadiimi ah, Bad male, dhulkeedu waa 40km isku wareeg ah. waa wada Buuro mana leh dhul fidsan oo Garoon laga dhigi karo.( F.S:3aad)

4. Dowladda Andorra: Ballaca dhulkeedu waa 468km isku wareeg ah, Dadkeeduna waa 80,000 Qof.Garoon lagama dhisi karo sabata oo ah kuligeed waa Buuro iyo Baraf.(F.S: 4aad)

5. Dowladda Liechtentein: dhulkeedu waa buuro, waana 160km isku wareeg ah. Dadkeedu waa 40,000 Qof, dhul yar oo fidsan ayeey dhinaca waqooyiga ku leedahay laakin waa Dhul Beereed. ( F.S: 5aad)

Somaliya.

Xilgii Xuriyadda Somaliya waxa ey laheeyd Laba Garoon oo waaweyn. wakhtigii Kacaanka waxaa la dhisay dhowr Garoon, 4 Garoon oo ka mid ah waxaa dhisay Sarkaal Ciidamada ka tirsanaa oo soo bartay "Airport engineering" oo la dhihi jiray G/Sare Ibrahim Sh. Cali "Jeebo". AUN. Sannadkii 2014 waxaa qabyo u ahaa hal Garoon, waxa kale oo uu Gacanta ku hayay Naqshadda Garoon ey Shiinuhu ka dhisi lahaayeen Magaalada Mogadishu oo noqon lahaa Garoonka ugu weyn Bariga Afrika, sida Shiinuhu qorsheeyeen.

Wixii ka dambeeyay 1991 Wadaanka Somaliya waxaa laga dhisay in ka badan 20 Garoon Dayaaradeed oo yar yar, markii uu yaraaday isticmaalka Gaadiidka Dhulku Nabadgalyo xumo darteed.
Nasiib wanaag, Allaah Mahadii, dhulkeena oo ah deegaan fidsan waxa uu ku haboon yahay Garoomadda oo ka mid ah Isgaarsiinta ugu fudud ee deg deg lagu gaari karo meel kale. waxaana muuqdo in Mustaqbalka ey suuq yeelanayaan Dadka barto Culuumta Aviation-ku. 

Jaamacadda "Kasem Bundit University" ee Magaalada "Bangkok" ee Dalka "Thailand" waxaa igu soo dhaweeyay Arday Somaliyeed oo ey ka mid ahaayeen 16 Arday oo mid ka mid ahi ey aheyd Gabar. waxa ey baranayeen Culuunta Aviation-ka, ma ahan Duuliyayaal ,waxa ey baranayeen Maamulka Garoomada iyo Kala hagidda Duulimaadyada "Air traffic" ( F.S: 6 & 7aad). Waxaan ugu hambalyeeyay Xulashadooda Bacdamaa Mustaqbalka Dalka ey ku soo badan Doonaan Garoomadu, loona baahan doono khubaro Aqoon u leh.

 Dhalin yarada Somalida waxaan kula talinayaa in Xulashada Aqoontooda iyo Takhasuskooda marka ey Go'aan ka gaarayaan, in Xisaabta ey ku daraan Suuqa shaqo ee Dalka iyo Caalamku sida uu noqon karo mustaqbalka.

FG: Wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Abdifitah Hassan Rooble

WhatsApp Google Map

Safety and Abuse Reporting

Thanks for being awesome!

We appreciate you contacting us. Our support will get back in touch with you soon!

Have a great day!

Are you sure you want to report abuse against this website?

Please note that your query will be processed only if we find it relevant. Rest all requests will be ignored. If you need help with the website, please login to your dashboard and connect to support