Qoraa: Abdifitah Hassan Rooble 
Ma la salaami karaa


Nin Ingriis ah ayaa Sh. Mohamed Mutawala Shacraawi, weydiiyay. Haweenka Islaamku maxeey Gacanta ugu Salaami waayeen Ragga.( F.S: 1aad).

Shacraawi ayaa yiri: Adinka Boqoradiinu maxeey Ragga ugu Salaami weyday Gacanteeda oo Banaan.( F.S: 2aad).


Ninkii Ingriiska ayaa yiri: waxaa Jiro Sharci Diidayo " Royal protocol" , Lix Ragga oo kaliya ayaa Sharcigeenu ogolyahay in ey ku salaanto Gacanteeda oo aan wax ka xigin.

( aan ku xasuusuyee, Mar mar Boqoradu Sharcigaa waa jabisaa) laakin aan u raacno Sharcigooda. Bal ila fiiri Jawaabta Sh. Shacraawi.


Sh.Shacraawi ayaa yiri: Haddii aad leedihii sharci 6 Raga ah u oo kaliya u ogolaanayo in ey salaami karaan, Anigana Islaamka waxaa jiro 12 Ragga oo kaliya ayaa Sharcigu ogolyahay in ey Gacanteeda oo banaan ku salaanto Haweenta Islaamka ihi, waana: 1. Aabaha. 2. Abkoow. 3. Seygeeda.4.Wiilkeeda.5. Wiilasha kale ee Seygeeda. 6. Walaalkeed. 7. Adeerkeed. 8.Abtigeed.9. Wiilka waalkeed.10. Wiilka walaasheed. 11.wiilkeedu wiilka uu dhalay.12.Gabadheedu Wiilka ey dhashay.


Sida Adinkuba aad ugu ixtiraameysiin Boqoraddiina Ingriiska in ey Boqorad tahay oo 6 Ragga oo kaliya ey slaami karaan, ayaa Anigana Islaamku Haweenkeena oo dhan ayuu ka dhigay Boqorado eynan si toos ah Gacantooda ugu salaami karin 12 Ragga ah ka badan. 


Sh. Saciid Sh. Ibrahim oo ahaa Axkaamleeyda Fogaatay ayaa lagu yiri: Haweenka naga Ajnabi ah ma salaami karnaa haddii aan Gacanteena Maro iska xijino. Waxaa uu jawaabtii ku soo koobay. Haa, haddii ey jirto Maro dhimbil naareed kaa celi karto, Hadaadan heli akrin Maradaa Haba isku salaamin.( F.S: 3aad)


Aabe Sh.Caamir ayaan weeydiiyay. Aabe, weligaa intii aad yareed Naag kaa Ajnabi ah jirkeeda ma taabatay? Waxa uu igu yiri: Maya, Xatta Aniga oo Suuq maraa Gacanteedu ima taaban, markii aan Dukaanka lahaana Miis dheer ayaa ii yiil oo eynan gacmaheenu is gaareyn, beadeecada ayaan halkaa u saari jiray, iyaduna Lacagta ayeey halkaa ii dhigi jiray, Xataa Xaasaskeeyga weligeey jirkooda meelna kama taaban Nikaaxeenii ka hor. 


Waan ku iri: Aabe hadda Cumrigaagu 80 Sano waa ka badan yahay. Weligaa Naag kaa Ajnabi ah korkaaga meelna kama taaban miyaa?. Waxa uu igu yiri: waxaa i taabatay Naag aan Muslim aheyn. Waxaan ku iri: Goormee? Waxa uu igu yiri: ayaan hore Markii Nairobi aad Dhakhtarka ii geeysay Naagtii Gacanta wax iiga xirxireysay, Duudkana wax iga saar saareysay ayaan ka xasuustaa ,Qof dhidig oo iga Ajnabi ah oo jirkeyga meel ka taabatay. ( F.S: 4aad)


Anagana?


Ar, Habtaan la isasiinayo iyo Salaantaan la iskula soo boodaa lagama fiirsadoo!!!.


Aniga inta Gacatooda oo Banaan igu salaantay ama jirkeyga meel ka taabatay Aloow soo tiri aan la idhihin.


Adigana meeqo?.


Ha la dadaalo intii la dhowrsan karo, Duni la yaab leh ayaan joognaa, Dambigeenana Alla ha naga cafiyo. Aamiin.


FG: Haweenkeenu waa nooga Sareeyaan Boqoradda Ingriiska ee aan ixtiraamno Haweenkeena Boqoradaha ah.


Qore: #Abdifitah_hassan_rooble 

WhatsApp Google Map

Safety and Abuse Reporting

Thanks for being awesome!

We appreciate you contacting us. Our support will get back in touch with you soon!

Have a great day!

Are you sure you want to report abuse against this website?

Please note that your query will be processed only if we find it relevant. Rest all requests will be ignored. If you need help with the website, please login to your dashboard and connect to support