Isbaheysiga Sheydaanka iyo Doorashada Somalia.


Sida Buugaagata Taariikhda Dorashada Somalida ku qoran, Haddii aan si kooban oo dhibco ah u soo koobo. 


Dhinacaha. "25 Points"


1. Doorashadii ugu horeysay waxa ey dhacday 1956. tii Labaadna March 1959 mudadada Xildhibaankuna waa 5 Sano.


2. Hore ayaa 26 kii December 1958, Waxa la soo saaray Sharcigii Doorashada "Law No.26". Sharciga Cusub waxaa ka dhinaa Tirinta Dadka iyo Dib u eegidda Xuduudaha Degaan Doorasho oo hore loogu heshiiyay in lagu daro, laakin dib loo dhigay. Labadaa ilaa maanta lama dhameeystirin. 


3. Wax yaabaha lagu daray Sharciga cusub ayaa waxaa ka mid ahaa Xaqa ey u leeyihiin in ey Codeeyaan Haweenka qaangaarka ah. waxaa kale oo la baabiyay Doorashadii Dadbaneed ee Wakiiladu u codeynayeen Reer Miyiga ( indirect voting system through the electoral representatives for the nomadic population) waxaana la ogolaaday in Dadku ey codeey karaan iyaga oo aan heysan warqadda xaqa u siinee in uu codeeyo. ( vote directly without electoral certificate).


4. waxaa la ogolaaday Dadka Codeeynayo in Gacanta loo mariyo Khad aan ka tirmeryn Maalintaa (indelible ink) si uuna qofku u codeyn Laba mar. Laakin wax yar kadib waxaa soo baxday in Khadda lagu masixi karo Liin iyo Soda.


5. Da'da Codeynta oo aheyd 21 Sano jir waxaa laga dhigay 18 sano jir.


6. Koofurta Dalka waxaa loo qeybiyay 30 Degmo oo wax lagu doorto, iyada oo la magacaabay 5 Degmo oo cusub oo kala ahaa: Degmooyinka Caluula, Iskushuban, Balcad, Wanlaweyn iyo Jilib.


7. Dalka, 30kaa degmo, 19 ka mid ah waxaa ka Diiwaan gashanaa Xisbiga SYL oo kaliya 

(Lista Unica). 


8. wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa la siiyay Awood uu uga hor tago in Dad ey meel ka tagaan, si ey meel kale uga soo codeeyaan, in kasta oo arrintaa la suura galin waayay. Markii Dadkii ey u gudbeen Deegaano kale iyo weliba Dad ka soo gudbay Xuduuda Dalka ka banaanka ah kadibna ey ka codeeyeen Dalka gudihiisa.


9. Tirada Xildhibaanada oo ahaa 60 ayaa la kordhiyay oo la gaarsiiyay 90 Xildhibaan iyada oo lagu saleeyay 6dii Gobal ee Koofurta. Majeerteenya 13 Xildhobaan. Mudug 12. Hiran 12. Banadir 18. Jubada sare 22 iyo Jubada Hoose 12. iyada oo mar dambe Xamar lagu daray Hal kursi oo laga dhigay 2 kursi. UN iyo Talyaanigu waxa ey soo jeediyeen in Tirada la qeybiyo Doorashada kadib marka la ogaado meel kasta inta ka cadeeysay, Laakin taa lama yeelin.


10. Hayadihii UN-ka iyo wakiiladii Caalamku waxa ey soo jeediyeen in aan 60 la gaarsiin tirada Xildhibaanada iyaga oo leh, waxaa tihiin Wadan yar oo hadda xuriyadda qaadanayo, Mustaqbalkana waxa Mushaarka Xildhibaandu uu saameeyn ku yeelanaa Miisaniyadda Dalka ee yaan la badin kharajka iyo in aan la ogolaan Laba Aqal. ( Maanta Laba Aqal ayaan leenahay, Tirada Xildhibaanaduna ma ahan 90 ee waa 329 Xildhibaan.


11. waxaa kale oo sharad laga dhigay in Musharax Xildhibaan kasta uu heeysto saxiixa 200 Codeeye inta uuna is sharixin iyo in uu Bangiga ku shubo Lacag dhan 1000 Sh.So.


12. Xisbigii talada hayay ayaa ku dooday in Mucaaradku ey is baheysanayaan iyaga oo ey la shaqeeynayaan La taliyayaal Ajnabi ah oo Mogadishu joogo. Muxaafidkii ayaa 15 December 1958 Baarlamaanka hor keenay Mooshin Dowladda looga Codsanayo in laga hor tago faragalinta shisheeye, Qunsuliyada ka joogo wadamaduna in ey ku ekaadaan kor joogayaal. Xuriyadda ka hor waxaa Dalka joogay Qunsuliyadaha Ingriiska, Masar, Ethiopia, Farance, USA iyo Yemen.

Mooshinka dhab ahaan waxaa loola jeeday Qunsulka Masar oo taageerayay Arragtida Somali weyn iyo Qunsulka Ethiopia oo taageerayay Xisbiya "Xisbiga Digil iyo Mirifle" iyo Xisbiga kale ee "Partito Liberale Giovani Somali" (PLGS).


( 63 Sano kadib, weli waa jirtaa Faragalintii Ajaanibta ee Doorashada Dalka) 


13. Barlamaanka ayaa soo saaray sharci Deg deg ah ( an emergency law ) kaa oo Police ka siinayo awood la xiriirto Arrimaha Nabadgalyada in Dadka looga shakiyo in ey carqaladeeynayaan Nabadda, in la xiri karo ugu yaraan Hal Sano Maxkanad la'aan, taasna waxaa diiday wakiilkii AFIS oo sheegay in ey ka soo horjeedo Demoqaraadiyada iyo Madaxbanaanida qofka.


( weli Caburinta Dadku in ey Arragtidooda Doorashada ka dhiibtaan waa jirtaa)


Is baheysiga Sheydaanka.( il patto del Diavolo). (the Devil's Pact).


14. Sharci Baarlamaanku ansixiyayay 1958 ayaa lagu mamnuucay in Xisbiyadu yeeshaan Magac qabiil. Taasi waxa ey Sameeysay Xisbiga HDM ( Hisbul Digil Mirifle) oo watay magac qabiil. Iyaguna magacii waxa ey u bedeen isla xuruuftii oo Macnihii loo bedelay “Hisbia Destour Mutaqil Somali” (HDMS),Laakin lagama hadal Gobaladda leh Magac Qabiil, sida Gobalka Majeerteenya.


15. waxaa la sameeyay isbaheysi 4 Xisbi oo ka soo horjeedo SYL, kuwaa oo ka koobnaa Xisbiyada (HDMS, GSL, PLGS iyo SANU) kuwaa oo ka shakisnaa in Dowladda Cusub eynan iyagu Door weyn ku yeelan doonin. Isbaheeysigaa ayaa isla markiiba loo bixiyay ( Isbaheysiga Sheydaanka) iyaga oo lagu colaadinayo arragtidooda. Waxa ey soo saareen Bayaan ey ugu codsanayaan Doorasho xur ah oo daah furan. Waxa ey diideen tirada Xildhibaanada ee la siiyay Degmooyinka qaar, iyada oo aan weli la aqoon tirada Dadka ku nool. Waxa kale oo ey ka cabateen doorka police-ka iyo hayadaha Dowladu ugu talagashay in lagu curyaamiyo mucaaradka.


( weli waa jirtaa in Police-ka iyo Hayado kale loo isticmaalo Doorashada)


16. Haji Mohamed oo hogaaminayay Xisbiga "Midowga Somaliweyn" ayaa lagu xiray Majeerteenya isaga oo rabay in uu Xafiis Xisbi ka furto halkaa.


17. Gudoomiyihii Gobalka Hiran ayaa soo saaray Amar lagu mamnuucayo in xisbiga Midawga Somali weyn GSL uu xafiis ka furto Baladweyn. Waa la furay xafiiskii, laakin waa la burburiyay.


18. Baarlamaankii 1966 ayaa Codsaday in Mushaarka Xildhibaanka oo ahaa 2000 Sh. So. Bishii, in la kordhiyo, laakin Adan Cadde ayaa diiday in la kordhiyo inta shaqaalaha kale Mushaarkooda la kordhinayo. 


(Maanta Xildhibaanku waxa uu qaataan Bishii Mushaar dhan 3.500 Dollar oo u dhiganto 3.500x 26.000 Sh.So=91.000.000 Sh.So. taa oo u dhiganto Mushaakii ey qaadan lahaayeen 45.500 Xildhibaan oo joogto wakhtigii Dowladii Shibilka)


19. Xamar ayaa loogu daray Xubin xildhibaan kale in kasta oo aan Dadka la tirin . Waxaa Doodu sii badatay markii labada xubnood ee Xamar laga dhigay xubin howlgab ah oo SYL ah Sh. Ciise Maxamed oo ah Dadka u dhashay deegaanka Xamar iyo Axmed Daahir Xassan oo ah Daarood ah.

Dood la hagayo ayaa la qabtay oo xisbiyo kala duwan ey ka soo qeyb galeen waxa ey isku raaceen in labada xubnood la siiyo Qabiilka Abgaal iyaga oo ka imaanayo Xisbiyada ( partito Liberale ) Xaji Moxamud Borracco, iyo Maxamed Gabyo oo SYL ka socdo.


20. Axsaabtii qaar ayaa kala jabatay markii Doorashadii soo dhawaatay. Doorashadii waxaa qaadacay qeyb ka mid ah Xisbiga" Xisbiya " laakin qeybtii Cabdulkadir Zobe waxa ey la yimideen Liis Musharixiin ah oo laga soo doranayo Beydhabo, Buur hakabo, Marko, Barawe iyo Jilib.


21. Doorashadii waxa ey ku dhamaatay SYL oo heshay 83 xidhibaan oo ka mid ah 90kii Xildhibaan ee koofurta Somaliya. 7 soo haratay 5 waxaa helay "HDMS" iyo Laba uu helay xisbiga "Partito Liberale".


( waxaa muuqatay in Xisbiga Muxaafidku et taageerayeen ey boobeen Kuraas Badan, taa oo weli Dalka ka jito )


22. Dhalinyaradii SYL iyo Asaasayaashii SYL ayaa banaanka la dhigay, Bacdamaa Doorasha ey Gacanta ku dhigeen,Odayaal dhaqan iyo Ganacsatada Beeluhu. Isticmaarka oo weli sii joogayna ma ogoleyn in Xukunka ey qabtaan Dhalinyaradii SYL ee la dagaashay Isticmaarka.


23. Bishii May ayaa Adan Cabdulle loo doortay Gudoomiyaha Heyadda Sharci dajinta , Cabdulqadir Zobe ( HDMS ) iyo Xaaji Bashir Ismaciil ayaa loo doorray Gudomiye ku xigeeno.

 

24. Natiijadii Doorashada ayaa noqotay mid aad ey u boobeen Saraakiishii Doorashadu.

Mucaaradkii ayaa Maxkamadda u gudbiyay Dacwo ah in la baaro Boobkii doorashada gaar ahaan Boobkii Degmada Luuq ee Jubada Sare kadib dacwadii HDMS, waxaa Maxkamada Beydhabo ey baabiyay natiijadii doorashadii Degmada Luuq labadii kursi ee SYL loo reebay oo lagu qoray laba Xildhibaan oo Beesha Daarood ah oo lagu eedeeyay in ey Nidaamka Dowliga ah ey khiyaameen, sabata oo ah Ganacsatada Daaroodka oo xiriir la sameeya SYL kadibna siyaasadda wax ka bedelay iyaga oo ku doodayay in labada Kursi ee Luuq aan loo marin Hab Xisbi ee loo daayo Hab qabiil lana siiyo Daaroodka, Dadku waxa ey la yaabeen iyada oo Dalka oo dhan doorashada la boobay maxaa kuwa Luuq oo kaliya loo baabiyay.


( weli Dalka waa ka jirtaan, Kuraas gaar ah oo la doortay lana baabiyay, Dibna loogu noqday, iyada oo Dalka ey ka jiraan Kuraas sidaas oo kale loo boobay, laakin aan dib loogu noqon)


25. Sannad kadib ayaa dib loogu celiyay Doorashadii Luuq, Dowladii waa looga guuleytay, waxaana helay xisbiyadii Mucaardaka ee HDMS iyo PLGS. Laba usbuuc Doorasha ka hor 5tii janauary 1960 ayaa la dilay Musharixii HDMS Musharax Macallim Cumar Mayow. In kasta oo markii Dambe Dilkaa dartii loo xiray Farax Xassan Maxamed oo 34 jir ahaa.


FG: Qoraaladaan waa Dhibco aan ka soo ururiyay Qoraalo hore oo aan soo tarjumay, Magacyada Xisbiyada iyo Qabiiladu waa sidii ey ugu qornaayeen Qoraaladda Asalka.


FG: Wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.


Maxaa iska Badalay Doorashada Xildhibaanadda Dalka 63 Sano kadib?


Qore: Abdifitah Hassan Rooble 

WhatsApp Google Map

Safety and Abuse Reporting

Thanks for being awesome!

We appreciate you contacting us. Our support will get back in touch with you soon!

Have a great day!

Are you sure you want to report abuse against this website?

Please note that your query will be processed only if we find it relevant. Rest all requests will be ignored. If you need help with the website, please login to your dashboard and connect to support